Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka HirShabelle Cabdi Daahir Guure Karoore oo u warramay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dagaal beeleedka kasoo cusboonaaday xadka kala qaybiya gobollada Hiiraan & Shabeelaha Dhexe.
Karoore ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalkaas oo u dhexeeyo beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay kooxda inay isku direyso labada beelood, isla markaana ay hurineyso dagaalkooda, si ay uga dhex faa’iideysato.
Ujeedkooda waxa uu tilmaamay inuu yahay inay isaga yareeyaan culayska hadda saaraan, maadaama looga adkaaday deegaanada maamulka HirShabelle.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ka hortegi doonaan qorshaha Al-Shabaab, isla-markaana ay fahamsan yihiin danaha ka ay leedahay hurinta colaaddaasi.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana sidoo kale lagu guuleystay in xabad joojin deg-deg ah la kala dhex dhigo maleeshiyaadka labada dhinac ee ku dagaalamaya halkaasi.