Maamulka Hirshabeelle oo xarumo Maxkamad ka hirgeliyay deegaannadii dhawaan laga xoreeyay AS

Madal lagu dhaarinayay Qaarkamida Gudoomiyaal loo magacaabay maxkamado dhawaan laga Hirgaliyay Deeganadii laga Xoreeyey Kooxda AS ayaa lagu qabtay Degaan katirsan Gobolka shabeelada dhexe
Madashaan lagu dhaarinayay gudoomiyaasha ayaa waxaa ka qayb galay saraakiil Ciidan Culimo qaarbkamida Gudooyaasha Degmoyinka Hirshabeele iyo masuuliyiin iskujira heer faderaal iyo maamul Goboleed,
Munasabda lagu dhaarinayay Gudoomiyaasha Maxkamadu dhawaan laga hirgalshay Deegaanadii laga Xoreeyey Kooxda AS ayaa waxaa ay ka dhacdey degaanka burka dirimeed oo Katirsan Shabeelada dhexe halkaasi oo ay Taalo Gogol lagu Hishiisiinaayo Beelo walalao ah oo dhawaan ku dagaalamay Shabeelada dhexe..
Ugu Horayn Gudoomiyaha Maxkmada sare maamulka Hirshabeele Cabdullaahi maxamuud Gacal Ayaa Kula Dardaarmay Masuuliyiinta la dhaarinayay Inay U cadaalad falaan Bulshada loo xil saaray inay dhiigooda iyo xoolahooda kala bad baadiyaan
Sidokle Qaarkamida Saraakisha ciidamadii dhawaan dowladu kala dhex dhigtay Beelihii dagaalamay Iyo Culimadiii madasha Ku sugneed Ayaa Halkaasi kalmado Kooban oo dar daaran iyo Awaamiir ahaa ka jeediyay..
Ugu danbayn Wasiirka Wassarada maaliyada Hirshabeele Cabdirixiin Cadow oo isna madasha Kahadlay Ayaa Sheegay inay ka Go.antahay qalabaynta iyo ka Taageerida wax walbaa oo ay U baahdaan Gudoomiyaashaan..
Degaanadaan Laga Hirgaliyay Xarumaha maxkmadaha ayaa Laga xoreeyay Kooxda AS oo in mudaa gacanta ku haysay Sido kale waxaa dhawaan ka dhacay Dagaal beleedyo Kuwaasi oo dowlada dhexe iyo maamulka Hirshabeele ku guulaysteen Joojintiisa Iyadoona Gogosha nabada ee beelihii dagaalamay Ay Taalo degaanka burka dirimeed oo horay dhowr beelood oo dagaalo dhex mareen luugu hishiisiiyay