Maamulka Jubaland ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray si adag ugu cambaareeyey dagaallada iyo xasillooni-darrada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, isagoo sheegay in colaadahaasi ay halis ku yihiin nabadda iyo wada noolaanshaha bulshada.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka Jubaland uu ku eedeynayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya in uu hurinayo colaadaha ka socda deegaannada Puntland, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo. Jubaland waxay ku tilmaantay arrintaasi mid nasiib-darro ah, iyadoo xustay in xilligan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku jiraan dagaallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada gobolka Hiiraan.
Jubaland waxay sheegtay inay tahay arrin aan loo baahnayn in ciidamo iyo agab militari loo leexiyo deegaanno nabdoon oo aan ka jirin dagaal ka dhan ah argagixisada, taas oo ay sheegtay inay wiiqeyso dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo sugidda amniga guud ee dalka.
Sidoo kale, maamulka Jubaland ayaa sheegay in dagaallada ka dhacay Gaalkacyo ay khatar ku yihiin nabadda, xasilloonida iyo horumarka ay bulshada magaaladaasi ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay, isla markaana ay dib u dhigi karaan dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo horumarka.
Gabagabadii, Jubaland ayaa bogaadisay maamulka iyo shacabka Puntland, iyadoo sheegtay inay muujiyeen isku duubni iyo dadaal ay ku difaacayaan amniga iyo xasilloonida deegaannadooda. Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta colaad hor leh, isla markaana mudnaanta la siiyo wada hadal iyo xal nabadeed si loo ilaaliyo nabadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed.