Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay dileen Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta howlgal qorsheysan ku dilay ugu yaraan afar dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal ka dhacay deegaanada Qalowlaha iyo Sooyaa oo u dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalamayaashaan la dilay waxaa ku jiray horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa deegaanka Jannaa-Cabdale iyo deegaanada kale ee u dhow, kaas oo magaciisa lagu sheegay Xasan Cadde.Afhayeenka Howlgallada ciidanka Jubbaland Maxamed Faarax Daahir oo la hadlay Wabaahinta gaarkla ah ee Jubba land ayaa xaqiijiyey dilka kooxdaan, sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaas lagu burburiyey goobo fariisimo u ahaa Khawaarijta.

Maamulka Jubba land ayaa horay u bilaabay howl galada ka dhanka ah Alshabaab kuwaasi oo kasocda guud ahaan Soomaaliya.