Maamulka Jubbaland oo amaro ku soo rogtay Shirkadaha Duulimaadyada ee degaanadeeda

Cabdulahi Aadan Maxamuud oo ah Mareeyaha Guud ee Garoonka Diyaaraha magaalada Kismaayo ayaa soo saaray amaro cusub oo la dul dhigay shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya garoonka Magaalada Kismaayo.

Amaro cusub oo ay soo saareyn ayaa waxaa ka mid ah in dadka rakaabka ah ee garoonka ka baxaya in aysan gudaha garoonka ku sugnaan karin mudo ka badan Saddex saacadood.

Sidoo kale waxa la soo saaray amar ah in qof ku qoran dhoofitaan in aan diyaarada laga reebin karin oo aan lagu badali Karin qof kale.

Mareeyaha Guud ee Garoonka Diyaaraha magaalada Kismaayo ayaa sheegay rakaabka Diyaaradaha ka raacaya Garoonka in looga baahan yahay Saddex saac kahor in ay xaadir ku ahaadaan Afaafka Garoonka, wuxuuna shirkadaha Duulimaadka ku amray in aysan qolo kale ka kireyn Karin Diyaarad rakaab ay sugayaan.

Aramadaan iyo kuwa kale ayay soo saareen maamulka garoonka diyaaradaha ee Kismaayo waxa ay yihiin kuwo wax ka badan ka bedelaya qaabka ay hada u shaqeeyaan Shirkadaha Duulimaadyada.