Maamulka Jubbaland oo dib u soo celinaya saraakiil ciidan

Sida uu qorshaha yahay Jubbaland ayaa maanta magaalada Muqdisho waxa ay ku soo celineysaa Saraakiil ka tirsan NISA oo shalay un gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Hay’adaha ammaanka Jubbaland ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay garoonka Kismaayo ka qabteen Cali Mire Ducaale iyo Maxamed Ibraahim oo kala ah Taliye iyo ku-xigeenkiisa oo dowladda Soomaaliya dhawaan ay u magacawday inay ka hawlgalaan degaanada Jubbaland.

Saraakiishan ayaa xalay waxa ay ku hoydeen xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, halkaasi oo saakay laga soo saarayo diyaarad, taasi oo keeneysa magaalada Muqdisho.

Jubbaland ayaa sababta ay u xirtay Labadan Taliye waxa ay ku sheegtay inaan laga tali gelin magacaabista Taliyeyaashan iyo inay imaanayaan magaalada Kismaayo, waxayna tilmaamtay in dowladda ay ka baxday heshiis ay la gashay maamul goboleedyada.

Sidan oo kale maamulka Jubbaland 13-kii July ee sanadkan waxay garoonka Kismaayo ka celiyeen diyaarad siday Gen. Cali Bogmadow oo ay Dowladda u magacowdey qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogda dalka, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.