Maamulka Jubbaland Oo Ka Jawaabay War Ka Soo Baxay Siyaasi Caan Ah

Maamulka Jubbaland ayaa si kulul uga jawaabey hadal shalay ka soo yeeray Siyaasiga Faarax Macalin oo mar soo noqday guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya.

Warka Siyaasiga uu shaaciyey ayaa ahaa in dowladda Kenya ay Jubbaland siiso lacag dhan hal milyan iyo bar doolarka mareykanka ah,balse Jubbaland ay Maanta warkaasi beenisay.

Madaxweyne ku-xigeenka Koobaad ee dowlad goboleedka Jubbaaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland ayaa si wada jir ah u qabtay Shir jaraa`id kaas oo ay ku beeniyeen hadalka ka soo yeeray guddoomiyii hore ee Baarlamaanka Kenya.

Cabdirashiid Jirre qalinle Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubaland ayaa sheegay in Warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin,isla markaana laga been abuurey,waxaana uu sheegay in siyaasi Faarax Macalin uu yahay Nin Kenyan ah oo looga baahana yahay in uu ka Shaqeeyo danaha dalkiisa.

Gaba gabadii waxa uu uga digey in uu ku mashquulo arrinaha Soomaaliya,gaar ahaan dowlad Goboleedka Jubbaland.