Maamulka Jubbaland oo sheegay in bilaabayaan Dulaan Ka dhan AlShabaab

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee jooga furunta dagaalka ee Aaga Buula gaduud ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Maamulkaasi ay duulaan ku yihiin degaanada kudhaw dhaw buula gaduud oo ay joogaan Al-Shabaab.

Xasan Ceerow oo kamid ah saraakiisha jooga furunta dagaalka ee Buula gaduud ayaa waxa uu sheegay in ay kuwajahan yihiin ciidamada jubaland degaanada Al-shabaab ay kaga suganyihiin aaga buula gaduud .

Waxa uu intaa ku daray in saraakiisha iyo ciidamada dulaanka qaadaayo aysan kasoo laaban doonin ilaa ay ka gaarayaan  hadafkooda oo ah in ay ka xoreeyaan degaanadaasi  Shabaab .

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer sheegay in ay Al-Shabaab ay kala wareegi doonaan degaanada ay kaga sugan yihiin maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa meello badan oo ka mid ah degaanada maamulka Jubbaland gacanta ku haaya, waxaana Al-Shabaab ay si buuxda u maamulaan gobolka Jubbadda Dhexe