Maamulka Jubbaland Oo Soo Bandhigtay Waxyaabaha Qarxa & Sarkaal Loogu Xirey Garigiisa

Ciidanka Nabad-sugida Jubbaland ayaa Maanta waxa ay shaaciyeen in ay kahor-tageen qarax Miino oo loogu xiray Sarkaal ka tirsana Ciidamadooda gaari uu watey.

Nabadsugida Jubbaland ayaa soo bandhigtay Gaariga iyo Sarkaalkii watay iyo Miino nooca dhajiska loo yaqaano oo gaariga laga soo furay,in kastoo aysan soo bandhigin dad loo soo qabtay falkaas.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabadsugida jubbland ayaa waxa ay sheegeen in Miinadaas Gaariga loogu xirey mid ka mid ah saraakiisha Nabadsugida qeybta ka hortagta qaraxyada,isla markaana la doonayye in lagu waxyeeleeyo.

Jubaland ayaa horey waxa ay usoo bandhigtay qaraxyo iyo rag watay,kuwaas oo ay sheegeen in ay maxkamada la tiigsan doonaan.