Maamulka jubbalnd Oo Amar kusoo rogtay Odayaal dhaqameedka

Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee maamulka Jubbaland Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland ayaa Amar kusoo rogtay Odayaasha dhaqanka ee degaanada Jubbaland.

Kulan ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa Odayaasha dhaqanka waxaa lagu Amray in ay xilliyadda ay doonayaan in ay shiraan in ay warqad Fasax ah ay kasoo qaataan Wasaaradda Gudaha Jubbaland.

Jubbaland waxa ay sheegtay  in Odayaasha Dhaqanka ay ka tirsanyihiin oo ay hoostagaan Wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland sidaas darteedna aysan qaban karin shir aysan wasaaraddu la socon.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa Risaala u sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu Amar ku bixiyay in si deg deg ah loo dhaqan geliyo Amarkaasi.