Maamulka Jubbland Oo faah Faahin ka bixiyay howlgalo Ay Sameyeen

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgallo Ciidamada Maamulkaas saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaano ka tiran gobolada Jubbooyinka,kuwaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Guud ee Ciidammada Jubbaland Janeraal Aadan Maxamuud Ibraahim (Koojaar) ayaa sheegay in howlgallada ay yihiin kuwo joogto ah oo ka socda Gobolada deegaannada Maamulka Jubbaland,isla markaana ay socon doonaan ilaa Al-Shabaab ay ka saaraan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda & kuwa Jubbaland ay howlgal ka fuliyeen deegaanka Buulo xaaji oo ku yaalla duleedka Kismaayo kuna burburiyeen Xarumo ay lahaayeen Al-Shabaab & sidoo kale howlgal kale laga fuliyey degaanka Koban oo ku yaalla waqooyiga Magaalada Kismaayo,isla markaana Ciidamada ay ka hortageen weeraro ay qorsheynayeen.

Deegaannada gobolada Jubbooyinka iyo Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay geystaan Ururka Al-Shabaab iyo howlgallo ka dhan ah oo ay fuliyaan Ciidamada Dowladda,kuwa Jubbaland & sidoo kale kuwa AMISOM.