Maamulka Koofur galbeed oo goobaya koox dishay nabadoon

Laamaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa baadigoobaya koox Magaalada Baydhabo ku dishay Allaha u naxariistee Nabadoon Yacquub Xasan Xaaji oo kamid ah madax-dhaqameedyada ku sugan xarunta Gobolka Baay.

Kooxda dilka geysatay ayaa baxsatay, waxaana muddo kooban kaddib goobta tagay Ciidamada ammaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed oo billaabay howlgallo ay ku raadinayaan kooxdaas baxsatay sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan.

Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay rajo fiican ka qabaan soo qabashada Dadkaas dilka geystay ee baxsadka ah sida ay hadalka u dhigeen.

Dilka Nabadoon Yacquub Xasan waxa uu si gaar ah uga dhacay Xaafadda Berdaale, Ciidamada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay Dad ay ku tuhmayaan in ay wax ka ogaayeen ama ka dambeeyeen Dilkaas.