Maamulka koofur galbeed Oo Sheegay in ay hakiyeen dacwadaha la xiriira dhinaca dhulka

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Wahaab Cabdullaahi Maxamuud ayaa sheegay in Wasaaradda Cadaaladda ay xoojisay xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya hay’adaha Garsoorka si loo helo garsoor cadaalad ah.

Waxaa uu sheegay in iyaga oo fulinaya Amarkii Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ay hakiyeen dacwadaha la xiriira dhinaca dhulka ilaa iyo inta laga gaarayo xal waara maadaama ay soo bateen isqabqabsiga dhinaca dhulalka ah.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in wasaaradda Cadaaladda Koonfur Galbed ay ka go’an tahay in la helo Garsoor Cadaalad ah,kaas oo si wanaagsan ugu adeega Bulsahda ku nool deegaannada Koonfur Galbeed.