Maamulka Koofur galbeed Oo Sheegay in la isku furayo Wadada Muqdisho & Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa sheegay in Maamulka koonfur Galbeed uu diyaariyay Ciidamo loogu talo galay inay furaan wadooyin ka tirsan kuwa deegaannada Maamulkaas.

Waxaa uu sheegay in qeybtii ugu horeysay Ciidamadaas la diyaariyay,isla markaana tababar uu uga socdo Magalada Muqdisho, sidoo kalena ay jiraan kuwa kale oo loo diyaairiyay inay fuliyaan howlgallo lagu furayo wadooyinka xiran.

Waxaa uu hdalkiisa intaasi ku daray in Mas’uuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed loo baahan yahay inay u diyaar garoobaan holwgal ballaaran oo la isugu furayo wadada xiriirisa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo,halkaas oo laga soo sheegayo dhibaatooyin kala duwan.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa imaanaya xilli falal amni darro ay mararka qaar ka dhacaan wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Baydhabo, iyada oo dadka ku safra ay dhowr jeer cabasho ka keeneen balse la waayay cid wax ka qabata.