Maamulka Koofur Galbeed Oo War Kasoo Saaray Caruur Ay Afduubten Alshabaab

Al-Shabaab ayaa la sheegay in tiro Carruur  u badan arday ka kaxeysteen degmada Ceel-Garas ee gobolka Bokool,si ay ugu tababaraan inay ka mid noqdaan dhalinyarada ka barbar dagaalanta.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada ayaa waxa ay sheegeen in Carruurtaas ay Al-Shabaab ka kaxeysteen Dugsiyada Quraanka lagu barto iyo Xaafadaha qaar ee deegaanka Ceel-Garas ee gobolka Bokool.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay Carruurtaas la sheegay in Al-Shabaab ka afduubteen tuulada Ceel-Garas ee gobolka Bokool,iyaga oo sheegay inay isku-dayayaan inay soo badbaadiyaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed Cabdirisaaq Aadan oo la hadlay Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegay in Carruurta ay Shabaab afduubten ay da’dooda u dhaxeyso 14 ilaa 20 jir.

Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ayuu sheegay inay dadaal weyn ku bixin doonto sidii Shabaab ay Carruurtaas uga soo bad baadin lahaayeen,isla markaana si awood ay ay uga soo wadi doonaan.