Maamulka Koonfur Galbeed Oo Ku baaqay in Maxkamad la Soo taago Dakii Kadan beeyay Dilka Guddoomiyihii Maxkamadda Sh/Hoose

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa tacasiyo tiiraayo le udirey Dhammaan umadda Soomaliyeed gaar ahaan shacabka reer koonfur Galbeed iyo Ehadii qaraabadii uu ka geeriyoodey Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha Hoose Marxuum Siciid Cumar Xasan oo kooxo xubeysan ku dileen Degmada wadajir ee Gobolka Banaadir.

Isagoona Alle uga Bariyay in Jannadii Fardowse ka waraabiyo Gadaashiisana nama Fidneeyo ,

Dhanka Kale Madaxweyne C/Casiis ayaa ku dheeraadey tariikhada uu lahaa Marxuum Siciid Cumar Xasan oo ahaa Garsoor daacad ah ,oo wax badan ka soo qabtey Dhibaatiiyinkii garsoor la’aanta ay ka jirtey Gobolka shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/Casiis Xasan Maxamed Lafta –gareen aya baaq udirey hay’adaha Ammniga taliska Booliska iyo maamulka Gobolka Banaadir in ay cadaaladda horkeenan ragii ka dambeyay Dilkii loo geystay Gudoomiyahii Maxkamada Ee Gobolka Shabeelaha Hoose.