Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigay meydadka rag ka tirsan Shabaab

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degaanka Ceel-ure oo ka tirsan degmada Waajid ee gobolka Bakool, kana mid ah degaanadii xalay laga soo weeraray degmada Waajid ayaa saakay ciidanka ammaanka oo hawlgal ka wada waxa ay ku soo bandhigeen meydadka Lix nin oo saraakiishu ay sheegeen in lagu dilay dagaalkii xalay dhacay.

Guddoomiyaha degmada Waajid C/laahi Aadan oo la hadlaywarbaahinta ayaa waxa uu sheegay raggan in ay ka tirsanaayeen Shabaabkii xalay soo weeraray degmada, isaga oo sidoo kale tilmaamay in ay jiraan rag dagaalka lagu dhaawacay oo baxsaday.

Wuxuu sheegay ciidanka ammaanka in hada ay ku baxeen degaanada Shabaab ay ka soo weerareen degmada Waajid, wuxuuna tilmaamay in ay tagi doonaan halkaasi, si Shabaabka ay ula dagaalamaan.

“Aniga hada waxan ku suganahay Ceel-ure, nimankii nabad diidka ahaa ayaa xalay arbushaad ku soo sameeyay saldhig ciidanka ay ku lahaayeen degmada, ilaa Lix qof ayaan ka dilnay, meydadkooda iyo dhaawacyadooda ayaan daba socnaa, ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa Itoobiya ayaa ku daba jira raggan.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Waajid.

Sidoo kale Guddoomiye C/laahi ayaa yiri “Ciidanka awoodiisa aad ayay u wanaagsan tahay, dhinacyo badan ayaan dowladda ugu baahan nahay, oo ay ugu horeyso Sahnad Millitari, waxaan rajeyneynaa inaan helno adeeg nagu filan.”

Degmada Waajid ee gobolka ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka Koonfur Galbeed ee mudo afar sano ka badan go’doon ay ku hayaan xoogaga ururka Al-shabaab.