Maamulka magaalada Garoowe oo sheegay in ay xireen mooto bajaajyo ay sheegeen iy lidi kiyihiin amaanka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Xabsiga la dhigay tiro ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajta isla markaana laga xareeyay Mootoyinjoodii.

Maamulka Magaalada Garoowe ayaa arrintaan ku sababeeyay in ay lidi ku yihiin Amniga Magaaladaas,iyaga oo ka dhega adeegsay ammaro horay loo faray.

 

Xoghayaha dowladda hoose ee Magaalada Garoowe Maxamuud Cali Gureey ayaa sheegay inay xir xireen boqolaal Bajaajley ah iyaga oo Bajaajyadiina Garaash ku xareeyay kaddib markii Ragga ku shaqeysta Bajaajta ay diideen wada shaqeynta dowladda hoose.

 

Bajaajta Garoowe ayuu sheegay in habeenkii laga furo Taargada laguna dhaco Haweenka ka adeeganaya suuqa,sidoo kale waxaa uu xusay in Bajaajlayaasha ay jebiyeen amarka dowladda hoose oo ahaa in meelo gaar ah oo loo cayimay ay ka rartaan sida Boosteejada oo kale taasna ay socon weysay.

 

Sikastaba Wararkii u dambeeyay ee Maanta aan ka heleyno Magaalada Garoowe ayaa waxa ay sheegayaan in aysan Magaalada ka Shaqeyneynin Mooto Bajaajta kadib markii inta badan la xirxiray Darawaladii Mootooyinka qaarkoodna la xareeyay