Maamulka Puntland oo amartay in lasoo xiro xisaabiyihi gobolkaMudug oo baxsaday

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland ayaa maanta amray in lasoo xiro xisaabiyihii Wasaaradda maaliyadda gobolka Mudug kasoo oo la sheegay in uu ka baxsaday degaanada maamulka Puntland ka dib markii lagu eedeeyay  musuq maasuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ayaa maanta Warbaahinta u sheegay in uu ciidamada Ammaanka ay soo qabtaan ninkaasi.

Xisaabiyihii gobolka Mudug  Barqadle Aadan Muuse ayaa horay ugu dhawaaqay inuu iscasilay ka dib markii uu eedeyn u jeediyay Wasaaradda Maaliyadda Puntland.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Xisaabiyihii hore ee Gobalka Mudug uu baxsaday waxaana uu ka codsaday dowladda Federalka iyo Dowlad Gobaleedyada inay u soo gacan galiyaan Puntland hadii ay arkaan Barkhadle Aadan Muuse.

Puntland ayaa ku eedeeysay in uu lunsaday lacago ku jiray qasnada maaliyadda gobolka Mudug.