Maamulka Puntland Oo Cadeyay Mowqifkeeda Go’aankii Dalka Looga Mamnuucay Shirkada DP World

Labadii maalmood ee la soo dhaafay madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas waxa uu kulamo gooni gooni ah la qaadanayay Golihiisa Wasiirada iyo gudiga arrimaha dibada Baarlamaanka Puntland si go’aan looga gaaro mowqifkooda Go’aankii shirkada DP World dalka looga mamnuucay.

Warar ay heshay warfidiyeenka  ayaa waxa ay sheegayan in kulamadaas oo aad u dheeraaday ugu dambeyn maanta la filayo in puntland Go’aan rasmi ah ka gaarto,isla markaana ay soo bandhigto mowqifkeeda khilaafka ka dhaxeeya Wadamada Khaliijka iyo cida ay raacsan yihiin.

Warar iskhilaafsan oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Puntland ay gaashaanka ku dhufatay go’aankii Baarlamaanka soomaaliya ay dalka uga mamnuuceyn Shirkada DP World,isla markaana ay taageerayaan dowladda Imaaraadka Carabta.

Dekada Boosaaso ayaa waxaa Puntland ay ku wareejisay Imaaradka Carabta si dib-udhis loogu sameeyo,waxaana taasi ay keentay in puntland la safato Imaaraadka Carabta si mashaariic kale Imaaraadka u ugu fuliyo deegaannada maamulka Puntland.