Maamulka Puntland oo digniin ka soo saartay roob dabeylo wata oo ka da’ay Laas-qoray

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka Dowlad goboleedka Puntland ayaa diginiin u dirtay dadka deggan magaalada Laas-qoray ee gobolka Sanaag, halkaasi oo uu roob xooggan ka da’ay saacadihii la soo dhaafay.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in shacabka deggan gudaha iyo deegaannada hoos yimaada magaalada Laas-qoray looga baahan yahay in taxadar muujiyaan, si ay uga fogaadan khasaaraha ka dhalan kara roobkka.

Digniinta ay soo saartay Puntland ayaa ku soo aadeysa xilli saacadihii la soo dhaafay roob xooggan ka da’ay gudaha magaalada Laas-qoray, kaasi oo dadka deegaanka sheegeen in uu sababay khasaare burbur u badan.