Maamulka Puntland oo dowladda federaalka ku eedeeyey dagaalka Laascaanood.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay u maareeneyso colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Madaxweyne Deni ayaa ku eedeeyay Dowladda federalka Soomaaliya in ay gabtay masuuliyaddii ka saarnayd Xaalada ka jirta magaalada Laascaanood, isla markaana aysan u dhaqmin inay tahay dowlad Soomaaliyeed ee dalka oo dhan masuul ka ahayd.

“Iyadoo uu dhiig da’ayo oo dadkii lalaynayo, hadalkeeda ugu horreeya waxay ahayd sidii dhiigga loo joojin lahaa oo nabadda u sugi lahayd. Inay gardarro garab og uga dhigto Somaliland, oo tiraahdo Somaliland ayaan wada hadal la furaynaa oo ergay u magacaabaynaa, waa arrin gef ah,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay Gobolada SSC in aysan ka mid ahayn Somaliland, islamarkaana aan qasab iyo xoog lagu maamuli karin. Wuxuu sidoo kale sheegay   magacaabidda ergayga ay tahay waqti lumis aan waxba kusoo kordhindooni xaaladda.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya xilli aan weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo dowladda Federaalka, kaas oo salka ku haaya arrimo la xiriira awoodda Dastuuriga ah ee dalka.