Maamulka Puntland oo gacanta ku dhigay Nin dil kasoo gaystay Deegaanada Maamulka Somaliland..

Ciidanka Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane loo haysto dilka macalin reer Boorama.

Taliska ciidanka booliska ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay howl-gal ay ciidamada ka sameeyeen sameeyeen degaanka Seemade oo ka tirsan degmada Jariiban.

Eedaysane Axmed Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa in uu Jimcihii 26-ka July dil u geystay marxuum Macallin Xamae Muuse Ducaale, oo kasoo jeeda gobolka Awdal, gaar ahaan Boorama, sida ku cad qoraalka taliska booliska gobolka.

Taliska ayaa ugu dambeyntiina u mahad-celiyay ehelka eedaysaha iyo odayaasha deegaanka oo door muhiima kulahaa soo qabashada eedaysanaha kuna gacan siiyay ciiddanka booliska.