Maamulka Puntland oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha

Hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland (OPHRD) ayaa walaac ka muujisay “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” oo ku soo badanaya Puntland.

Madaxa hay’addaas Maxamed Yuusuf cali ayaa xukuumadda Puntland ku eedeeyey inay ku kacayso “tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha” xilli doorasho la isu diyaarinayo.

Wuxuu sheegay in falkii ugu dambeeyey uu ahaa kii Khamiistii lagu xiray magaalada Boosaaso nabadoon C/qadir Xarrago oo ka mid ah isimada Puntland.

Wuxuu kaloo madaxa hay’adda difaaca xuquuqda aadanaha ee Puntland tusaale u soo qaatay dad uusan sheegin tiradooda hase yeeshee uu yiri “waxaa lagu xiraa koontaroolka galbeed ee Garoowe, ayadoo la yiraahdo waxaa looga shakisan yahay argagixiso”.