Maamulka Puntland Oo Shaaciyay Xiliga Ay dheceyso doorashadda Madaxweynaha Maamulkaasi

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa soo saaray jadwalka soo xulista Golaha Wakiilada iyo Doorashada Madaxweynaha, kaddib qoraal ka soo baxay Xafiiskiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Kalfadhiga ugu horeeya ee Baarlamaanka cusub ee Puntland uu furmo doono 01/01/2019, iyagoo dooran doona Guddoonka iyo Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa.

Doorashada Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa dhici doonto 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2019.