Maamulka Puntland Oo Sharcidarro Ku Tilmaamtay Lacag Dowladda Somalia Ugu Deeqday Soomaaliland

Shir Jaraa’id oo ay Maanta Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ku qabteen masuuliyiin ka tirsan Maamulkaas ayaa waxa ay Warka soo saareen lacagtaa Halka Million ahayd ee shalay dowladda Federaalka ugu deeqday Maamulka Soomaaliland.

Dowladda ayaa lcagtaas ugu talo gashay dadka ay duufaantu saameysay eek u nool degaanada Bari ee Maamulkaas sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee fatahaadaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullahi Cali Xersi (Timacade) ayaa  walaac ka muujiyey lacagtaas in loo adeegsado hab siyaasadeed,isla markaana Maadxweynaha Soomaaliland uu ku iibsado hub loga qeyb qaato dagaalada sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo uu sheegay in Puntland aysan ka soo horjeedin gurmadkaas basle xilligan dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahnaa in ay u wakiilato culimada iyo waxgaradka laakin taasi ay hadda faraha ka baxday,isla markaana Muuxe Bixi ay gacanta u gashay.