Maamulka Puntland oo Sheegay in aysan joogsan doonin colaada Tukaraq

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar (Camey) ayaa waxa uu ka hadlay xiisada colaadeed ee ka taagan degaanka Tukaraq oo ka tirsan gobolka Sool, taasi oo u dhaxeysa Somaliland iyo Puntland.

Wuxuu sheegay markale Madaxweyne ku-xigeenka Puntland in dagaalka uusan joogsan doonin, inta maamulka Somaliland ay heystaan taako ka mid ah dhulka Puntland, kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Buuhoodle.

Wuxuu sheegay ujeedka uu Buuhoodle u tagay in ay tahay in shacabka magaalada ay taageeraan ciidanka Puntland iyo in la helo dhalinyaro ciidan ah oo ka qeyb qaata dagaalka Tukaraq.

“Sida aad la socotaan laba dagaal ayaa dhacday, mana joogsan doono dagaalka, waxaan qabaa hadii caalamka uu isku yimaado xaqiiqada marna Puntland kama leexan doonto, xaqiiqadana waxa weeye inta Somaliland ay heysato taako ka mid ah dhulka Puntland dagaalka isma taagi doono,” Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne C/xakiin (Camey) ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in ay yimaadaan gobolka Sool, si ay u qiimeeyaan xaalada, wuxuuna Somaliland ku eedeeyay inay xabsiyada dhigto dadka jilicsan oo ay ugu horeeyaan haweenka.

Colaada ka taagan degaanka Tukaraq ayaa waxay u muuqataa inaan weli laga gaarin natiijo sax ah, baaqyo nabadeed oo la soo saaray kadib weli waxaa taagan xiisad dagaal, oo u dhaxeysa labadan maamul.