Maamulka Puntland oo xirtay dad ku howlnaa Jarista Dhirta

Sidda ay xaqiijiyeen maamulka degaanka Daarusalaam ee gobolka Mudug ciidamada maamulka Puntland ayaa  soo qabtay 3 Nin oo ka shaqayneyey Jarista Dhirta kuwaasoo loo dhaadhiciyey degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Mudane Axmed Cabdi Cali Faarax Gudoomiye ku xigeenka degaankaasi ayaa wuxuu ka hadlay hawlgalo lagu xaqiijinayo Amniga degaanka oo lagula dagaalamayo dadka dhirta Jara wuxuuna sheegay inay dadkaasi Sharci adag kasoo saareen.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale wuxuu sheegay wasaarada Degaanka Puntland inay ka caawisay ilaalinta degaanka iyadoo keentay Buug looga hadlayo ka hortaga Xaalufka degaanka iyo jarista Dhirta.

Maamulka Puntland ayaa horay waxa ay u sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin in dhibaato loo geysto degaanka, islamarkaana la xaalufiyo.