Maamulka Somaliland Oo Dowlada dhexe Ku Ee deyay in ay go’doon ku heyso Maamulkooda

Shalay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dhawaaqday inay xiriirka diblumaasiyadeed u jareen dalka Guinea oo ku yaalla Galbeed Qaarada Afrika,waxaana go’aankaas ka carooday Soomaaliland oo Madaxweynahooda uu haatan ku sugan yahay dalkaasi Guinea.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamed (Faratoon) oo haatan ku sugan dalka Guinea ayaa sheegay in dwoaldda Soomaaliya ay go’doon ku heyso Soomaaliland,isla markaana ay kasoo horjeedo horumarkooda taasina ay tahay mid ay ku kala fogaanayaan.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Soomaaliland dalal dhowr ah oo Afrika iyo dalal kale ay xiriir wanaagsan la leedahay,hayeeshee dowladda Soomaliya qorshaha ay wado ay ku weyn doonto saaxiibtinimada dalal badan.

Go’aanka Dowladda Federaalka ay xiriirka ugu jartay dalka Guinea ayaa waxaa sabab u ahaa in Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu laba Cisho ka hor safar ku tegay dalkaasi Guinea,isla markaana loo soo dhaweeyay sida Madaxweyne dal kale.