Maamulka Somaliland oo gacanta ku dhigtay shabakad baabuurta xada

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan shabakad baabuurta dadka kaga xadaysay magaalada Hargeysa iyo magaalooyin kale.

Taliyaha Booliiska Somaliland General Cabdullaahi Fadal Iimaan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay baabuurta la xado intooda badan Booliisku inay soo helayeen iyagoo qalfoof ah oo wax walba laga furtay.

“Gaadiidka ay xadayaan qaarkood ujeedadooda waxa weeye inay kala baxaan biraha yar, falalkan inta badan waxay dhacaan maqribkii iyo cishaha, labadii bilood ee la soo dhaafay waxaan qabanay ilaa 40 baabuur oo la xaday”. Ayuu yiri General Fadal Iimaan.

Falalkan baabuur xadista ah oo ah nuuc ku cusub magaalada Hargeysa ayaa Taliyaha Booliska Somaliland wuxuu sheegay ciidamada Booliska inay galeen dabagal dheer, ayna suuragashay in gacanta lagu dhigo 20 dhalinyaro oo gaadiidka xada.

Dadka qaar ee gaadiidkooda ay u soo celiyeen Booliska ayaa shacabka ugu baaqay inay aad u ilaashadaan baabuurtooda, waxayna dalbadeen in cadaaladda la horgeeyo dadkan burcada ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Hargeysa ayaa aad u hadal hayay falalkan oo mudo soo socday, waxayna rajo ka muujiyeen sida Booliska ay gacanta ugu soo dhigeen burcadda gaadiidka xada.