Maamulka Somaliland oo gawaari lagala soo baxsaday Jigjiga ku wareejisay Itoobiya

Maamulka  Somaliland ayaa maanta ku wareejiyay dawlada Itoobiya baabuur lala soo baxsaday intii rabshaduhu ka socdeen Dawlada Degaanka Soomaalida Itoobiya.

Gawaariddaan ayaa tiradoodu dhan tahay 12 baabuur oo kala duwan, Waxaana lagu soo kala qabtay Gobolada Togdheer, Awdal, Gabilay iyo Maroodi-jeex.

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Cabdi iyo Taliyaha Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo goobjoog ka aha wareejinta Gawaarida waxa ay  sheegeen inay heegan ku jireen intii qalaasuhu ka socday Jigjiga ayna isha ku hayeen gaadiidka soo talaabaya sidoo kale waxay u mahad celiyeen ciidamada Booliska Somalilad sidii wacnayd ee ay uga hawlgaleen soo qab qabashada Baabuurtan.

Wakiilka dowladda Itoobiya u qaabilsan Somaliland Mr. Berhe Tesfaye sheegay in xukuumada Somaliland usoo qabqabatay gaadiidka lala soo baxsaday ee maanta la wareejiyay isagoo si gaara ugu mahadceliyay ciidamada Booliska Somaliland.