Maamulka Somaliland oo hakiyay Duulimaadyadda uga yimaada Muqdisho, Kenya iyo Dalal kale.

Guddiga qaran ee u diyaar garowga iyo ka hortaga cudurka Coronavirus ee uu dhawaan Magacaabey Madaxweynaha Soomaaliland ayaa waxaa ay Maanta soo saareen go’aano culus oo looga hortagayo in uu Cudurkaas gaaro deegaannada Soomaaliland.

Go’aanadaan oo gaaraya lix ayaa ku socda goobaha waxbarashada oo la amrey in muddo Afar Todobaad ah la xiro masaajidda oo la amrey in salaada ay waqti yar kusoo koobaan, in la joojiyo kulamada isu imaatinka ah, in qodobo kale.

Qoraal kasoo baxay gudiga ayaa sidoo kale waxaa la amrey in la joojiyo duulimaadyada ama socaalka dalalka laga helay Cudurka Coronavirus,kuwaas oo kala ah, Kenya Somalia, Shiinaha,Talyaaniga, labada kuuriya,Faransiiska Spain, iyo Kenya laga bilaabi Maalinta berito ah oo ku beegan 19/3/2020.