Maamulka Somaliland oo Hay’addaha kala duwan ee Qaramada Midoobey Ku,eedeyay in Warbixin Qaldan Ay kadhiibeen dagaalka Tukaraq

Somaliland ayaa ku eedeysay Hay’addaha kala duwan ee Qaramada Midoobey in ay warbixino been ah abuur ah ay ka sameeyeen dagaalkii degaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Somaliland waxa ay sheegtay in Qaramada Midoobey ay baahisay in kumanaan qof ay ku barakaceen dagaalkii Tukaraq.

Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Qaxootiga Somaliland Cabdikariin Xinif, waxa uu beeniyay hadalkii Qaramada midoobay oo sheegtay in dagaalka Tukaraq ay ku barakaceen 150,000 qof.

Waxaa uu sheegay in Hay’adda Qaramada laga doonaayo in ay wax ka weydiiyaan Somaliland degaanada gobolka Sool.

Dhanka kale waxaa uu sheegay in dad badan ay ku xoolo beeleen duufaanadii ku dhuftay gobollo ka mid ah Somaliland,kuwaasoo hadda u baahan in la caawiyo.