Maamulka Somaliland Oo sheegay in Mid ka mid ah maleeshiyaadkii ku dagaalamay Ceel-Afwey ay hubkii wareejiyen

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa dagaal sababay  dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ka dhacayay deegaan duleedka ka ah degmada Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag, kaas oo u dhaxeeyay laba maleeshiyo beeleed.

Dagaalka oo geystay dhimashada in ka badan 20 Ruux iyo dhaawaca 30-meeyo ayaa waxaa ka haatan la sheegay in xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana qaar ka mid ah Odayaasha iyo waxgaradka Magaalada Ceerigaabo,ay kala dhex-galeen.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in mid ka mid ah maleeshiyaadkii dagaalamay waan waan kadib ay ogolaadeen inay hubka wareejiyaan si loo xaliyo dagaalka,sida uu sheegay mid ka mid ah waxgaradka degmada Ceel-Afweyn.

Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay ku howlna yihiin sidii maleeshiyaadka kale ay dhankooda Soomaaliland ugu wareejin lahaayeen hubka si loo soo afjaro dagaal beeleedyada kusoo lab laabtay deegaanka Ceel-Afweyn.

Si kastaba tallaabadaan ayaa kusoo aaday xilli dhawaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi uu amar ku bixiyay in ciidamo kala dhex-dhigo maleeshiyo beeleedyada ku dagaalamay deegaanada hoostaga degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag.