Maamulka Somaliland oo War kasoo saartay safarka Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta safar ugu baxay dalka Jamhuuriyadda Guinea oo uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha dalkaas Prof. Alpha Conde.

Safarkan madaxweynaha oo qaadan doona maalmo kooban waxa warbaahinta warbixin ka siiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah xubnaha wefdiga madaxweynaha ku wehelinayey safarkiisa.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay Garoonka Cigaal International Airport ayaa ugu horayn ka war bixiyey safarka weftiga madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna  yiri wasiirka.

“Waxaanu maanta halkan kaga ambabixi doonnaa wefdi uu hoggaaminaayo madaxweynaha  Somaliland, wefdigaas oo casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyada Guinea ee ku yaala galbeedka Afrika”

Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaya safarku waxay ka kooban yihiin wasiirada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), horumarinta maaliyada, Dr. Sacad Cali Shire, horumarinta Caafimaadka, Cumar Cali Cabdilaahi iyo Ergeyga Gaarka ah ee Wada-hadallada Somaliland iyo Dawladda Soomaaliya Marwo, Adna Aadan Ismaaciil.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland waxa uu warbaahinta u sheegay in safarkan madaxweynuhu uu yahay mid xoojin doona xiriirka Soomaaliland & wadanka Guinea.

“Waxaana laga soo wada hadli doonaa xiriirada &  wixii wanaag ah ee ka dhaxeeya, insha Allah saddex maalmood kadib wefdigu halkan ayuu ku soo guryo noqon doonaa ayuu yiri wasiirka arrimaha dibeda Somaliland.