Maamulka Somaliland Oo Xabsiga dhigay nabadoon caan ah

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Burco ee gobolka gobolka Togdheer ee Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay xabsiga dhigeen Suldaan Maxamed Muuse Cune Oo ka Mid ah Saladiinta Gobolka Togdheer.

Ciidamada Booliska ayaa qabtay Nabadoonka ayaa xilli uu kasoo baxay  Masajid uu ku Tukunayay Saladii Makhrib  sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Nabaddoonka la xiray ayaa inta badan ka hadla hadba Xaalada iyo Marxalada Somaliland Waxaana xariga Suldaanku ku soo Beegmaya Wakhti Laga joogo Afar Cisho ka hor Oo uu Suldaan Cune Xukumada Talada Haysa iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ku Dhaliilay inay ka Gabiyeen Wax ka Qabashada Colaada ka Taagan Degaanka Ceel-Afwayn Ee Gobolka Sanaag.

Ciidamada Somaliland ayaa horay u xiray Nabaddoono iyo sidoo kale shaqsiyaad caan ah  oo lagu eedeeyay in ay dhaliileen Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.