Wasiir kuxigeenka Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay war kasoo baxay in weerar lagu soo qaaday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Sool iyo Fariisimada Ciidanka Somaliland ku lahaayeyy Magaalada Laascaanood., balse Ciidamadooda ay weerarkaasi kaga jawaabeen is difaacid oo kaliya.
Maamulka Somaliland ayaa kol hore ku dhawaaqay dhawaaqay xabad-joojin bilaa shuruud ah, balse xabad joojintii markale ay jebiyeyen sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kooxo ku soo duushay nabad-galyada iyo xasilooni magaalada Laascaanood.
“Xukuumadd ahaan waxa aanu cadaynaynaa in shacabka magaalada Laascaanood ay la mid yihiin muwaadiniin reer Somaliland ee ay horeba uga midka ahaayeen, waxase jirta siday hore xukuumaddu ugu dhawaaqday in ay dagaalka laascaanood qayb ka yihiin, Horjoogayaal kooxo argagixisada ka tirsan, kuwaasi oo diidan in xabad joojinta laga dhabeeyo, gaboodna ka dhiganaya shacabka Laascaanood ayaa lagu yiri” hadalka kasoo baxay Somaliland.
Ugu dambayn Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in ay ku wargalineyso Bulshada reer Somaliland, Beesha Caalamka iyo Ummada Samaha iyo Nabada Jecelba inay wali xabad joojin bilaa Sharuud ah.