Maamulka Soomaaliland Oo Sheegay in ay Deegaanadooda Ka Mamnuuceen Hay’adaha Ka Howlgalla Koofurta Iyo Bartamaha Soomaaliya

Maamulka Soomaaliland ayaa haatan ku dhawaaqay in aysan deegaanadeeda mashaariic ka fulin Karin Hay’addaha ka howlgalla Bartmaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

GuddShir ay yeesheen Golaha Wasiirada Soomaaliland oo looga hadlay qodobo dhowr ah ayaa waxaa ka mid ahaa in deegaannada Maamulka Soomaaliland ka howlgelli Karin Hay’adaha ka Shaqeeya Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

War-Saxaafadeed shirkaas laga soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha laga leeyahay dalka Soomaaliya aanay wax mashruuc ah ka fulin Karin Somaliland gudihiisa, isla markaana aanay ka hawlgeli karin.

Weli wax jawaab ah kama soo bixin Madaxda Hay’addaha ka howlgalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo ku aadan hadalka ka soo baxay Maamulka Soomaaliland.