Maamulka Soomaaliland oo sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadalo laga galo Dagaalka Laas-caano

 

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in ay diyaar u tahay wadahadal kasta si xal loogu helo xaaladda cakiran ee ka taagan Magaapada  Laascaanood.

Qoraal ku qornaa Luuqadda Ingiriiska ku oo kasoo baxay Wasaaradda  arrimaha Gudaha ayaa lagu shaaciyay ayaa lagu sheegay in xukuumaddu tallaabadan u qaadayso si looga fogaado dhiig daata iyo khasaare shacabka gaara.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Wafdi ku sugan yihiin Laascaanood si arrinta waan waan loogu dhammeeyo balse saaka la soo weeraray goobtii ay degganaayeen sida qoraalka ku xusan.

Laascaanood dagaalkii saaka ka bilowday ayaa gabal dhicii soo gaaray iyadoo dagaalku sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee eek a dhashay dagaalkii maanta, marka laga yimaado in dhinacyadu ay kala yeeganayaan guulo.