Maamulka Soomaaliland Oo Xukun Ku Riday Boqor Buurmadoow

Maxkamadda magaalada Hargeysa ee gobolka Maroodi Jeex ayaa xukuntay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo dhawaan lagu xiray Hargeysa balse markii dambeĀ  damaanad lagu sii daayay.

Maxkamada Magalada Hargeysa ayaa u fadhiisatay Khamiista Maanta kiiskiisa,waxana ugu dambeyn Boqor Buur Madow lagu xukumay 5 Sano oo Xabsi ah.

Boqor Buurmadow oo kamid ah salaadiinta waaweyn ee Somaliland ayay ciidamada booliiska Somaliland dhawaan xireen waxana la sheegay inuusan iibsan karin xariga balse uu cafin karo MadaxweynahaĀ  Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Eedea ugu weyn ee lagu hesytay Boqor Buurmadow ayaa ah hadallo ka dhan ah Somaliland uuĀ  dhawaan ka jeediyay xaflad lagu Caleemo saaray Beel Daajiye Maxamed taas oo ka dhacday Magalada Carmo ee Gobolka Bari.