Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Jowhar Oo Xaaskiisa Dilay

Wararka ka imaanaya Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxa ay ku waramayaan in xalay Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magalada Jowhar uu dilay Xaaskiisa.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Hoygooda oo ku yaalla Xaafada Hanti-Wadaag ee Magalada Jowhar,waxaana Maareeyaha oo magaciisa lagu soo gaabiyey Cali Dheere uu dilay xaaskiisa oo lagu Magacaabi jiray  Jamiilo Sh.Cali Ibraahim taa soo Da’deeda lagu 32 jir.

Dad ku sugan Magalada Jowhar ayaa u sheegay Radio Dalsan in Mareeyaha iyo Xaaskiisa ay wada murmeen taas oo keentay in bustoolad uu lahaa dhowr xabadood kaga dhuftay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen Maareeyaha,isla markaana ay xabsiga dhigeen.

Dadka ku nool Magalada Jowhar ayaa Maanta aad u hadal haaya dhacdad uu xaaskiisa ku dilay Maareyaha Garoonka Diyaaradaha Magalada Jowhar,waana masuulkii ugu horeeyay ee ka tirsan Maamulka Hir-Shabelle ee dila Xaaskiisa.