Maareeyaha Guud ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, Cabdinaasir Maxamuud Gurey, ayaa sheegay in si nabad ah lagu dhammeeyay tabashadii ay muujiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ee sameeyay shaqo joojin.
“Waxaan ku guuleysanay inaan xallinno tabashadii shaqaalaha garoonka, waxayna hadda si buuxda dib ugu laabteen shaqadoodii,” ayuu yiri Maareeyuhu, isagoo tilmaamay in wada-hadallo degdeg ah lagu xaliyay khilaafkii ka dhashay shaqo ka joojin lagu sameeyay qaar ka mid ah shaqaalaha.
Hadalkan ayaa imaanaya kadib markii shaqaale ka tirsan shirkadda Favori ee maamusha garoonka ay cabasho ka muujiyeen tallaabooyin shaqo ka eryis ah, islamarkaana ay sameeyeen dibadbax kooban gudaha garoonka.
Maareeyaha ayaa uga mahadceliyay dhamaan dhinacyadii ka qayb qaatay xalinta arrinta, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn joogto ah si shaqada garoonka aysan u saameyn.