Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga Qaranka ee Soomaaliya (NIRA), Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Safiirka dalka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, kaas oo lagu qabtay xarunta NIRA.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray horumarka ballaaran ee ay Hay’adda NIRA ka samaysay hirgelinta Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee casriga ah, oo u adeegaya shacabka Soomaaliyeed iyadoo la xoojinayo hufnaanta maamulka iyo amniga macluumaadka muwaadiniinta. Maareeyaha Guud ayaa sharaxaad ka bixiyey heerarka kala duwan ee nidaamku marayo, caqabadaha la soo maray, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu balaarinayo adeegyada dijitaalka ah ee NIRA.
Safiirka Shiinaha, Mudane Wang Yu, ayaa muujiyey sida ay muhiim u tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada teknaloojiyadda, dhijitaalka, iyo aqoon is-weydaarsiga. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in wadashaqaynta hay’adaha NIRA iyo kuwa Shiinaha ay door muhiim ah ka qaadan karto kobcinta adeegyada casriga ah ee aqoonsiga, tababarka shaqaalaha, iyo hormarinta farsamada dijitaalka ah ee Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, labada dhinac waxay isla meel dhigeen qorshayaal wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga farsamada, is-weydaarsiga aqoonta, iyo hirgelinta adeegyada cusub ee casriga ah, si nidaamka Aqoonsiga Qaranka uu uga faa’iideysto teknoloojiyadda ugu dambeysa. Maareeyaha NIRA ayaa bogaadiyey doorka Safiirka Shiinaha iyo hay’adaha Shiinaha ee ku aaddan taageerada horumarinta adeegyada bulshada, isaga oo carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.
Kulanka ayaa sidoo kale ahaa fursad lagu xaqiijiyey in NIRA ay sii wadi doonto horumarinta adeegyada casriga ah, kor u qaadista tayada shaqaalaha, iyo hirgelinta mashaariic dhijitaal ah oo ka qayb qaata xoojinta amniga iyo maamulka xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.