Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka Soomaaliya, Mustafa Yasin Sheikh, ayaa ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Hay’adaha Isgaarsiinta Adduunka (GSR-26), oo uu soo qabanqaabiyay International Telecommunication Union, laguna qabanayo magaalada Ankara ee dalka Turkey.
Shirweynaha sanadkan ayaa lagu qabtay halku-dhigga “Hagidda Xuduudaha Dhijitaalka ah”, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo dhisi lahaa nidaamyo casri ah oo horseeda mustaqbal dhijitaal oo adkaysi leh, loo dhan yahay isla markaana waafaqsan horumarka tiknoolajiyadda caalamka.
Maalintii ugu horreysay ee shirweynaha, Maareeyaha Guud ayaa ka qeyb galay dood-cilmiyeed heer sare ah oo ay isugu yimaadeen madaxda hay’adaha isgaarsiinta adduunka, kaas oo lagu falanqeeyay mudnaanta iyo caqabadaha waaweyn ee ka jira qeybta dhijitaalka ah ee caalamka. Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray horumarinta siyaasadaha iyo nidaamyada la jaanqaadi kara isbeddellada degdegga ah ee tiknoolajiyadda iyo adeegyada casriga ah.
Sidoo kale, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh ayaa ka qeyb galay dood kale oo heer sare ah oo looga hadlayay horumarinta shuruucda isgaarsiinta ee ku dhisan habab tijaabo ah iyo nidaamyo dabacsan oo u saamaxaya dalalka inay si hufan ula jaanqaadaan adeegyada cusub ee dhijitaalka ah. Dooddaasi waxaa ka qeyb galay madax iyo wakiillo ka socday dalalka South Africa, Poland, iyo Saudi Arabia, iyo sidoo kale wakiil ka socday Golaha Dhaqaalaha Adduunka.
Intii uu socday dood-cilmiyeedka, Maareeyaha Guud ayaa si gaar ah uga hadlay muhiimadda ay leedahay hirgelinta nidaamyo tijaabo ah oo lagu hormarinayo xeerarka isgaarsiinta, isagoo xusay in loo baahan yahay iskaashi heer gobol iyo mid caalami ah si loo xalliyo caqabadaha la xiriira adeegyada ka gudba xuduudaha sida internet-ka dayax-gacmeedka iyo adeegyada maaliyadeed ee dhijitaalka ah.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka soo koraya ay helaan fursado siman oo dhinaca tiknoolajiyadda ah, si loo xaqiijiyo horumar dhijitaal oo waara, kobcin kara dhaqaalaha, adeegyada bulshada iyo isku xirnaanta bulshada caalamka.