Wasiirka warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay wehliso agaasimaha dalxiiska wasaaradda Farxiyo Samaan Maxamed ayaa ka qeyb galay shir Wasiirada dalxiiska dowladaha Carabta.
Shirkaan oo ku dhacay habka muuqaalka Internet ka ayaa looga hadlay saameynta cudurka Covid-19 uu ku yeeshay dalxiiska iyo qaabka looga soo kabanayo.
Mas’uuliyiinta Carbeed ee shirka ka qeyb-gashay ayaa waxaa ay sheegeen inay mar walba garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed,isla markaana mar uun ay Soomaaliya ay dalxiis ku imaan doonaan.