Macalin Dugsi Qur,aan Oo Xalay lagu Dilay..

Wararka saaka aan ka heleyno deegaanka Ceel Barakaange, oo u dhaxeeya deegaanada Ilix iyo Galqoryaale ee Gobolka Galgaduud, ayaa xalay maleeshiyaad hubeysan waxay ku dileen macallin dugsi Qur’aan oo caan ka ahaa deegaanka, halka ay sidoo kale dhaawaceen xaaskiisa.
Dadka deegaanka oo aan xariiro kala duwan la sameynay ayaa sheegay in weerarka ay fuliyeen maleeshiyo kasoo jeeda deegaanka Ceelgaras. Dhacdadan ayaa la rumeysan yahay inay la xiriirto aanooyin qabiil oo u dhaxeeya Beelaha walaalaha ah ee halkaasi wada dega.
Macallinka la dilay ayaa lagu magacaabaa Macallinka C/laahi Cali Axmed. Wuxuu ahaa macallin dugsi Qur’aan oo si weyn looga yaqaanay deegaanka, Xaaska macallinka, oo iyana weerarka lagu dhaawacay, ayaa haatan lagu daweynayaa xarun caafimaad oo ku taalla Degmada Guriceel.