Macallinkii lagu dhex dilay iskuul Muqdisho oo la aasay.

Duleedka magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu aasay Allaha u naxariistee Macallin Cabdiraxmaan Macaloow Abiikar oo uu dhowaan iskuulka Sidii ku dhex dilay arday hore oo iskuulkaas dhigan jiray.

Marxuumka oo muddooyinkan cadaalad loo raadinayay, isla markaana ku jiray Firinjeer ayaa maanta la aasay, ayadoo aan weli lasoo qaban gacan ku dhiiglihii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Ehellada marxuumka ayaa sheegay inay isku raaceen in maydka la aaso, kadibna halkeedii ay kasii socoto cadaalad u raadinta Macallin Cabdiraxmaan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Laamaha amniga way soo qaban waayeen fursad waxaaan u siinay muddo 11 maalin ah wax cadaalad ah haddii ay keeni waayeen cadaaladda gacmaheenna ayay ku jirtaa annaga ayaana soo qabaneyno”.

Dhanka kale waxaa Salaadda Janaasada oo marxuumka lagula tukaday Isbitaalka Madiino ka qayb galay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo kasoo jeeda beesha, kuwaas oo uu kamid yahay Mudane Khaliif Cabdi Cumar oo goobta ka sheegay in mowqifkooda aanu weli is beddelin, lana soo qaban doono eedeysanaha.

Dilka Macallin Cabdiraxmaan ayaa dhaliyay caro xoogan, maadaama lagu dhex dilay iskuulkii uu dhigayay, waxaana sidoo kale dilkiisa uu sababay inay shaqo joojin saddex maalin ah sameeyaan bahda waxbarashada, taas oo maanta ka bilaabaneysa.