Macawiisley & AS ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.

Ciidamo katirsan Macawiisleyda deegaanka ee Degmada Ceeldheer, Gobolka Galgaduud, ayaa weerar qorsheysan ku qaaday xubno katirsan kooxda ‘AS’ oo ku sugnaa deegaanno hoostaga degmadaas.

Weerarka ayaa ka dhacay deegaannada Cali Yabaal, Uubad iyo Xirsi Cilmi, iyadoo wararka laga helayo deegaanka ay sheegayaan in weerarku ahaa mid isku mar ah oo lagu bartilmaameedsaday goobaha ay ku sugnaayeen xubnaha ‘AS’.

Cabdulqaadir Cali Bugle, sarkaal ka tirsan ciidamada deegaanka, ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen khasaare xooggan kooxdaas, ayna si nabad ah dib ugu laabteen fariisimadoodii. Waxa uu intaa ku daray in ujeedka howlgalka uu ahaa ka hortagga abaabul dagaal oo ay wadeen ‘AS’.

Howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Galmudug ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda federaalka, Daraawiishta Galmudug, iyo ciidamada deegaanka, iyagoo wada dedaallo lagu xoojinayo amniga iyo ciribtirka kooxaha argagixisada.