Madaafiic Laga Maqlay Deegaanka Tukaraq

Wararka Caawa aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiic iyo jug xoogan laga maqlaay deegaanka tukaraq ee Gobolka Sool.

In kastoo aan sidhab ah loo xaqiijin karin in madaafiicdaas ay tahay mid dagaal aya hadana waxaa deegaankaas isku-horfadhiya Ciidamo kala taabcsan Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.

Wariyayaal ku sugan Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegeen in ay jugtaasi maqleen balse loo badinayo in ay isweeydaar sanayeen Ciidamada labada dhinac ee halkaasi isku-horfadhiya.

Wararkii u dambeeyey ee haatan nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay iminka tahay mid degan,isla markaana inta badan goobihii laga maqlayay madaafiicda ay yihiin kuwo degan.