Madaale oo qaabilay gudoomiyaha hay,adda SODMA.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, iyaga oo kawada hadlay xal u helidda caqabadaha soo laalaabtay ee Caasimidda, fududeynta howlaha gargaarka iyo u diyaar-garowga khatarta roobka gu’ga ee la saadaalinayo .
Kulanka waxaa si weyn loogu gorfeeyay sidii loo hagaajin lahaa bullaacadaha iyo biyo mareennada magaalada ee musiibada ku noqday bulshada, si loo fududeeyo nolosha iyo isku-socodka, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa soo jeediyay in meesha laga saaro (la dumiyo) guryaha ka dul dhisan goobihii loogu tala galay in bullaacaduhu maraan.
Dhanka kale, masuuliyiintaan waxa ay isla meel dhigeen muhiimadda ay leedahay in meesha laga saaro dadka horjoogayaasha ka ah xarumaha barakacayaasha ee u dhaxeeya deeq-bixiyayaasha iyo dadka nugul ee kaalmada u baahan iyadoo la adeegsanayo hay’adaha amniga iyo garsoorka dalka, halka uu sidoo kale Guddoomiyaha SoDMA soo jeediyay sida loogu baahan yahay diyaar-garowga iyo u toog-haynta daadadka xooggan ee la saadaalinayo in ay caasimadda ka dhacaan.